Home Afsomali Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin laba sano kahor Dil u...

Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin laba sano kahor Dil u geystay Nin kale

aliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay Nin ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, laba sanno hahor

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in baadi goob dheer, kadib ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha, oo baxsaday markii dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

27/01/2024 abaaro 11:30 am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/07/2022.

Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.