Gabar dhimatay ayaa ku guulaysatay in maydkeeda la kaydiyo iyadoo ka rajo qabta inay dib u soo noolaato.
Gabar 14 sano jir ah oo doonaysay in jirkeeda la kaydiyo markii ay dhimato, si hadii daawo cudurkeeda loo helo mustaqbalka ay u soo noolaato, ayaa ku guulaysatay dacwad ay gaysay maxkamad intii aysan dhiman.
Gabadha, oo qabtay kansar, ayaa waxaa taageeray hooyadeed si ay u hesho waxay rabto oo loogu kaydiyo jirkeeda, laakiin aabaheed ayaa arrintaas ka soo horjeedsaday.
Waxay u qortay warqad garsooraha iyadoo sheegtay inay rabto inay “waqti dheer noolaato”, oo aysan rabin “in lagu duugo dhulka hoostiisa”
Gabadha oo dhimatay October, ayaa maydkeeda loo qaaday Maraykanka si loogu kaydiyo qaboojiye.
Garsooraha maxkamadda sare ayaa go’aamiyay in hooyada gabadha ay go’aan ka gaarto waxa lagu samaynayo jirkeeda markii ay dhimato.
Gabadha oo dagenayd London, ayaa internetka ka baartay habka maydka loo kaydiyo oo la yiraah (cryonics) bishii ugu danbaysay ee nolosheeda.
Warqadii ay u dirtay garsooraha
” Waxaa la i waydiiyay sababta aan u rabo in la sameeyo wax aan caadi ahayn.
“Waxaan jiraa oo kaliya 14 sano mana rabo inaan dhinto laakiin waan ogahay inaan dhimanayo.
” Waxaan aaminsanahay haddii maydkayga la kaydiyo (cryopreserved) inay i siinayso fursad la igu daaweeyo mustaqbalka oo aan ku soo noolaado – xitaa boqol sano gudaheed.
“Ma doonayo in dhulka hoostiisa la igu aaso.
“Waxaan rabaa inaan noolaado waqti dheer waxaana u malaynayaa mustaqbalka inay u heli doonaan daawo kansarkayga oo aan soo noolaan doono.
“Waxaan doonayaa inaan fursadan helo.
” Sidan in la ii sameeeyo ayaan doonayaa.”
Garsooraha, Mr Justice Peter Jackson, ayaa gabadha ku booqday isbitaalka wuxuuna sheegay inuu la qiirooday “sida geesinimada leh ee ay dhibaatadeeda u wajahayso”.
Go’aankiisa ayuu sheegay kuma saabsanayn inay qaldan tahay kaydinta maydka iyo in kale, laakiin ay ku saabsan tahay waalidka oo ku heshiin waayay wixii lagu samayn lahaa maydka gabadha.
Maydka la kaydinayo
Habka loo kaydiyo maydka (Cryonics) iyadoo la rajaynayo in qofka uu soo noolaado iyo in daawo loo helo mustaqbalka.
Waa hab dad badan aysan aaminsanayn, iyadoo ilaa hadda aan la ogayn inuu qof dhintay soo noolaan karo.
Waxaa jira xarumo maydka lagu kaydiyo oo ku yaalla Maraykanka iyo Ruushka iyadoo jirka qofka lagu kaydinayo biyo nitrogen ah oo aad u qabaw (-130C), laakiin UK malahan xarumahaas.
Qarashka ku baxaya inaad kaydisid maydka waligeed ayaa wuxuu yahay £37,000 taasoo ay bixiyeen reerka gabadha hooyadeed.
Chrissie de Rivaz, oo degan Cornwall, ayaa doonaysa in maydkeeda la kaydiyo markii ay dhimato iyada iyo ninkeeda. Waxay kaydsatay lacag dhan £28,000 oo ay ku bixinayso si loo kaydiyo maydkeeda.
” Ma arko sabab la iigu duugo dhulka hoostiisa, marka maxaan u qaadan waayay fursadan aan ku soo noolaan karo”?
Simon Woods, oo qabiir ku ah go’aanada saxda ah ee caafimaadka ee Jaamacada Newcastle, ayaa aaminsan in fikradan ay tahay wax khayaali ah.
Wuxuu sheegay : ” Markii la xaqiijiyo inaad dhimatay micnaheedu wuxuu yahay lagama soo noqon karo, dadka maydkooda kaydinaya waxay u dhinteen cuduro aad u wayn.
” Qofka caafimaadkiisa ayaa aad u xun, mana jiro wax cadayn saynis ah in qofka nolol lagu soo celin karo.” ayuu yiri.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0