Home Afsomali Laba daryeel la.aan u geeriyootay iyo Qeyla dhaan ka soo yeereyso Dhaawacyadii...

Laba daryeel la.aan u geeriyootay iyo Qeyla dhaan ka soo yeereyso Dhaawacyadii Dowladda Qatar ay u qaaday dalka Suudaan

laba ka mdi ah dhaawacyada ayaa daryeel la.aan ugu geeriyootay sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan in ay daryeel xumo caafimaad ay la soo deristay qaar ka mid ah dhaawacyadii shalay ay la geeyay halkaas.

Diyaarad milateri oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa illaa 29 dhaawac ah geysay magaalada Khartoum, si halkaas loogu daweeyo.

Hase ahaatee Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan ayaa qeyla dhaan ka keenay qaabka loola macaamilay bukaanadaas iyo Isbitaalada la geeyay oo ay sheegeen inuu yahay kuwo ka liito Isbitaalada Muqdisho, isla markaana aan la geyn isbitaalada waa weyn ee caan ka ah dalka Suudaan.

Isbitaalka oo lagu magacaabo Mutamayiz Hosbital oo badanaa ay ku tababartaan dhalinyarada caafimaadka barata ee Suudaan iyo kuwa ajaanibta ee Jaamacadaha dalkaas dhigta ayaa la dhigay,

Wararka ayaa sheegaya in Isbitaalada waa weyn ee Khartoum aan la geynin dhaawacyada, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada ay ka muuqdaan diif xumo iyo in xitaa faashamadii dhiigga ee Muqdisho looga xiray laga bedelin.

Sidoo kale ehelada la socda dhaawacyada ayaa meel cidlo ah jiifa, isla markaana ay la amakaageen Isbitaalka la geeyay bukaankooda, maadaama adeeggiisa caafimaad uu aad u liito.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa la sheegay inay xiriir la sameysay Xukuumadda Soomaaliya, kana dalbatay in la hakiyo dhaawacyada laga soo qaadayo Muqdisho, maadaama kuwii shalay la keenay aanay helin wax daryeel ah.

Sidoo kale Safaaradda qudheeda ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ka gaabisay kaalinteeda, waxaana dhaawacyada loo qaaday Suudaan ay noqdeen kuwo aanay cidna u maqneyn.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay bixineyso lacagaha lagu daweynayo dhaawacyada, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda aanu la tacaalin karin dhaawacyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.