Home Afsomali Labada Gole BFS ee 11aad oo maanta fadhi wadajir ah ku leh...

Labada Gole BFS ee 11aad oo maanta fadhi wadajir ah ku leh Villa Hargeysa.

Xarunta Villa Hargeysa oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Golaha Shacabka waxaa maanta fadhi wadajir ah ku leh labada Gole ee Baarlamaanka 11aad JFS sida ay shaaciyeen Guddoonka labada Aqal.

Fadhiga ayaa looga hadlayaa labo qodob oo kala ah:

1-Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha

2-Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka.

Wadajir waxaa kulanka u shir guddoominaya labada Guddoomiye ee KMG ah ee guddoominta ku muteystay dhanka da’da waa Danjire Cabdisalaan Xaaji Aadan (Dhabancad) oo Golaha Shacabka ah iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ayaa sabtidii yeeshay Guddiyo ka shaqeeya qabanqaabinta doorashada Guddoonkooda rasmiga ah si howsha ay ula wareegaan una abaabulaan Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.