Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku qabtay labo nin oo ajaaniib ah xilli ay u socdeen in ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay booliska, tuhmanayaasha ayaa shaaca ka qaaday inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al Shabaab ka dib markii ay qorteen oo ay u fududeeyeen maamulayaashooda Tanzania.
Booliiska Kenya waxa ay sheegeen in dadka la qorayo ee u safraya in ay ku biiraan Al Shabaab ama Daacish, la siiyo hab-raacyo safar oo ay uga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan, si ay uga taxadaraan in laga shakiyo.
Ilo-wareedyo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Xarigooda uu ku soo beegmayo laba toddobaad kadib, markii saddex kale oo Tanzanian ah oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo, iyo Seif Abdalla Juma, lagu qabtay isla aaggaasi, ka dib markii dad shacab ah ay xogtooda la wadaageen hay’adaha amniga.
Muwaadin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, iyadoo booliisku ay sheegeen in arrintan ay ku suuragashay kadib markii ay iska kaashadeen laamaha ammaanka iyo bulshada.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl wadeenada gaadiidka dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.