Home Afsomali lacag ururiyihii Cali Guudlaawe iyo Axmed Faaql Mas’uulka uga ahaa ...

lacag ururiyihii Cali Guudlaawe iyo Axmed Faaql Mas’uulka uga ahaa Isbaarada gaadiidka lacagta looga qaado ee degaanka Ceelcade oo ku taalla duleedka Muqdisho

Nabadoon Xuseen Daamey oo ka tirsan Waxgaradka gobolka Sh/dhexe ayaa habeenkii 6aad ku jira xabsi ku yaala Magaalada Jowhar

Waxgarad ka soo jeeda beesha uu ka soo jeedo Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Guddoomiye Axmed Faal uu u xiran yahay nabadoonka sababo la xiriira lacago laga ururiyey goob isbaaro ah oo wiilkiisa ay ku sheeganayaan inuu ka lunsaday awgeed.

Xariga Nabadoon Xusseen Daamey waa sharci-daro iyo ku tumasho xaquuqda Aadanaha” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka gobolka Sh/dhexe.

Wiilka Nabadoonka ayaa waxaa la sheegay inuu lacag ururiye uga ahaa labadan Mas’uul Isbaarada gaadiidka lacagta looga qaado ee degaanka Ceelcade oo ku taalla duleedka Muqdisho, iyadoo sida xogtu sheegeyso markii horeba shaqada ku siiyay aqoontiisa 8 sanno ka hor, sidoo kalena aan lagala tashan Aabihiis oo ah Nabadoonka xiran.

“Hadda Nabadoonka oo da’ ah, Culumo ah, wadno xannuun iyo Dhiig-kar qaba waxay doonayaan iney Saldhigii Booliska Jowhar dhexdiisa uga dhalaaliyaan lacag 5000$ ah oo ay ku sheegayaan inuu ka dhacay wiilkiisa oo aan lagu heynin nolol iyo geeri, markii ugu war dambeysayna waxaa uu u shaqeynayay labadan Mas’uul” ayuu intaas ku daray.

“Nabadoonka Maxkamad keenna ma ogola, Sharciga ay ku hayaan Nabadoon Xuseen Daamey oo ah Nabadoonka Beesha Xawaadle oo guryo iyo ganacsi ku leh Jowhar waxba kama duwana midka duurka. Dhaqankani iyo dulmigaasi ma yahay mid Hiiraan iyo Sh/Dhexe iskula jiri karaan Hirshabeele” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Nabadoonkan oo la hadlayey warbaahinta.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed ayaan ka jawaabin illaa hadda xariga lagu eedeeyey iney u geysteen Nabadoonkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.