Home Afsomali Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

(Akhriso) Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka

Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo maalmahan ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray Shuruudaha laga rabo Musharixiinta u tartamaya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:

HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA OO DHAMEYSTIRAN

Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.