Home Afsomali laftagareen oo Dhuusamareeb ka dagay

laftagareen oo Dhuusamareeb ka dagay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxa uu ka qeybgalayaa shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyadoo shalay uu gaaray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.