Ciidamada Booliska Somaliland Oo Baadigoobaaya Mid Kamid Ah Libaaxyadii Warancade Oo Baxsaday.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Saqadhi Dabagale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in caawa uu baxsaday mid kamid ah Libaaxyadda Cali Maxamed Warancade uu ku haystay magaaladda Hargeysa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxaas baxsaday.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha usoo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay kusoo wargeliyaan Ciidamada Booliska.
Qoraal ay soo saaree Ciidamada ayaa sidaan u qornaa “Wargelin: Ciidanka Booliska Somaliland waxay ku wargalinayaan Bulshada somaliland gaar ahaan Caasimada in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii ku Xaraysnaa Beerta Xayawaanka Ee Waran Cade. Hadaba waxaanu bulshada uga digaynaa in ay ka feejignadaan Libaxaasi Baxsadka ah isla markaana cidii aragtaa ay la soo socdsiiso Ciidamada Booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.
.
Ciidamada booliska Somaliland ayaa weli baadi-goob balaaran ugu jira sidii Libaaxaas gacanta loogu soo dhigi lahaa, ayada oo cabsi hor leh soo food saartay shacabka magaalada Hargeysa.
Libaaxa baxsadka ah ayaa waxa uu kamid ahaa Libaaxyo ku xareysnaa Beerta Xayawaanka ee Waran Cade, oo uu leeyahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde.