Home Afsomali Liibiya oo kumannaan Geel ah kasoo daabulatay Australia

Liibiya oo kumannaan Geel ah kasoo daabulatay Australia

Waxaa dekedda Liibiya laga daadgureeyay ilaa 3,000 oo Geel ah kaddib markii madaafiic lagu weeraray dekedda.

Geelan ayaa laga soo daabulay dalka Australia.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Geela laga soo dejiyay dekedda loona waday dhinaca magaalada ku taal galbeedka ee Zawiya, halkaas oo saaka la geeyay.

Qaar kamid ah Geela ayaa lagu dhacay gudaha Liibiya, sida laga soo xigtay Reuters.

Dowladda Australia ayaa horraantii sannadkan bilowday toogashada In ka badan 10,000 oo geel ah Australia, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas, ka dib markii ay dadka biyaha ku ciriiriyeen xilli ay jiraan kuleyl daran iyo abaar baahsan.

Waxaa lasoo xigtay mid kamid ah ganacsatada oo sheegayo in maleeshiyaad hubeysan ay ka dhaceen 125 kamid ah Geela laga soo daabulay Australia.

Muuqaalka Geela Australia ee la geeyay Tripoli ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.