Home Afsomali Liiska magacyada iyo degmooyinka gudoomiyeyaasha ee lagu dhawaaqay oo 5 haween...

Liiska magacyada iyo degmooyinka gudoomiyeyaasha ee lagu dhawaaqay oo 5 haween ah ay ku jiraan

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo xilka looga qaaday illaa 15 guddoomiyeyaal degmo oo xilalka hayay tan iyo sanadkii 2014.

Labo Guddoomiye degmo ayaa la dhaafay, kuwaasoo kala ah degmooyinka Huriwaa iyo Kaxda, halka Guddoomiyihii Dharkeenley C/fataax Yaanyo loo soo wareejiyay degmada Kaaraan.

Guddoomiyeyaashii ugu badnaa ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa hal mar xilka laga qaaday, iyadoo la magacaabay Guddoomiyeyaal cusub oo u badan dhalinyaro.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa xilka looga qaaday illaa 15 degmo, iyadoo la dhaafay labo degmo oo kaliya, sida Kaxda iyo Huriwaa.

Guddoomiyeyaashii ku soo waxbartay dalka Sudan ee sanadkii 2014 loo magacaabay xilkaas ayaa xilalkooda waayay, kaddib olole todobaadyo soo socday oo ay xilkooda ku waayeen.

5 ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa loo magacaabay Haween, taasoo ah markii u horeysay taariikhda in 5 degmo in guddoomiye looga dhigo gabdho da’yar.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha qaar ayaa waxaa ku jira rag qurbo joog ah, waxaa kaloo ku jira xubno qeyb ka ahaa Guddigii ololaha Madaxweyne Farmaajo.

Liis horu dhac ah oo aanu helnay ayaa muujinaya xubnaha la magacaabay ee Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxayna kala yihiin sidan:-

Magacyada Gudoomiyayaasha cusub ee gobolka Banaadir ee hadda la magacaabay

1- Degmada Cabdicasiis: Sharmaarke Maxamed Ladane,Majeerteen Daarood

2- Degmada Kaaraan: Cabdifataax Nuur cali Yaanyo Abgaal Reer Mantaan ah.

3- Degmada Shibis: Safiyo Sheekh Cali Jimcaale , Xawaadle Hawiye.

4- Degmada Yaaqshiid:  Axmed Xasan Maxamuud,  Harti Abgaal.

5- Degmada Howlwadaag:  Cabdikariin Cali Kaar Murusade Karinle Hawiye , Wariyahii Somali Channell.

6- Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo  Ceyr Habargidir, Ayaanle 

7- Degmada Dayniile: Cabdiwali Nuur Faarax Murusade, Karinle Hawiye Habar ceeno sharey 

8- Degmada Wadajir: Cumar Cabdullahi Xasan , Daud Abgaal,

9- Degmada Dharkeenley:  Cabdiraxmaan Siid Cali Biyomaal Dir.

10- Degmada Shingaani: Basmo Cumar Axmed , Banaadiri, Camuudi

11- Degmada Xamarweyne: Cumar Shariif Jeeg , Reer Banaadiri Bandhaboow.

12- Degmadda Xamar Jajab: Cabdiwali Cabdillahi Maxamed , Warsengeli Abgaal .

13- Degmada Waabari Rowdo Cabdillahi , Saleebaan Habargidir.

14- Degmada Boondheere:  Zeinab Yuusuf Wehliye ,Waceeysle Abgaal Hawiye

15- Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warsame , Seynab Xaabse, Sacad Habargidir. 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.