Home Afsomali Ma aha mid umadu ku khasaartay in aan qabiil ugu hiilino

Ma aha mid umadu ku khasaartay in aan qabiil ugu hiilino

Ma aha mid umadu ku khasaartay in aan qabiil ugu hiilino waxaana jira kuwo badan oo aan og nahay jariimadii ay galeen oo weli qabiil loogu sacaba tumayo balse xiligaan aan soo qaadano siyaasi ku sheeg kheyre oo dib ugu noqday intii uu ku xadgudbay

Kheyre, wuxuu goobjoog u noqday tacaddiyo badan oo dalka ka dhacay, oo illaa iyo hadda ay tahay in wax laga weydiiyo, markii uu isku dayey inuu Farmaajo xagal-daaciyana si fudud ayaa loo siibay.

Wuxuu dib ugu soo laabtay siyaasiyiinta uu ku xadgudbay, oo uu soo hoos-fariistay, sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaana si bah-dilaad ah loogu qasbay inuu raali-gelin siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, si uu usoo galo xeendaabka.

Wuxuu yiri kheyre dowladda hadda jirta.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay, waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa”, sidaas waxaa Facebogiisa ku daabacay ra’iisul wasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre oo haatan sheegay in uu doonayo in uu u tartamo xilka madaxweynenimo.

Qiima dhac ku habsaday Kheyre kama fiirsan markuu raacay kuwa rajadoodu ku Soo ariurtay iney dib ugu laabtaan heybtooda qabiil


mucaaradka, taasi oo uu aqbalay.
Wuxuu hor istaagay xoreyntii iyo horumarintii deegaanada uu ka soo jeedo wuxuu kala qeybiyey qabiilkiisa iyo tolkiisa wuxuu xaqoodii dhaafsiiyey dad yoga ku dhaqan gobolka hiiraan qaladaadkiisii halkaan laguma soo wada koobiyo karo.

10 Sabab oo aan Lagu Dooran doonin Xasan Kheyre

Kheyre wuxuu tusaale iyo cashar siyaasadeed nool u yahay siyaasiyiinta lagu daneysto iyo meesha ay ku dambeyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.