Home Afsomali Ma dhabaa in wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda Iidi Amin...

Ma dhabaa in wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda Iidi Amin Daada uu Muqdisho ku nool yahay isaga oo Sheikh Ah

Madax ka socota dalka Uganda oo booqasho ku joogtay maalmihii la soo dhaafay dalka Soomaaliya ayaa kula waxa ay kula kulmeen deegaanka Carbiska ee gobolka Sh/hoose wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda Iidi Amiin.

Wiilkan la sheegay inuu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda Idi Amin Sheikh Abdulahi Idi Amin ayaa ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya waana mid kamid ah labo carruur ah oo ay udhashay hooyo Soomaaliyeed hogaamiyihii hore ee Uganda.

Sheekh Cabdulahi Iidi  Amin daada  ayaa u sheegay Xildhibaanadii booqatay inuusan weligii arag wax ehel u ah,mas’uulkii wafdigan horkacayay oo ahaa wasiiru dowladaha Gaashandhiga dowlada Uganda Col Charles Okello Engola ayaa xusay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u xiriirin lahaa qoyska uu ka soo jeedo gaar ahaan Gen Taban Amin oo ah Agaasimaha amniga gudaha dowlada Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.