Home Afsomali Ma jiro keligii-talis Afrikaan ah oo sharaf ku suntay!

Ma jiro keligii-talis Afrikaan ah oo sharaf ku suntay!

Ma jiro keligii-talis Afrikaan ah oo sharaf ku suntay!

Keligood taliye-yaasha Afrika wax badan oo wanaag ah kama tegaan marka xukunka laga eryayo. Wixii wanaagsanaa oo ay sameeyaan iyaga ayaa dib u bur-buriya. Fiiri wixii ka dhacay Liibiya & Soomaaliya? —Labadaan waddan dad iyo dalba way bur-buriyeen labadii madaxweyne ee keli-talisyada ahaa ee soomaray, bulshada ay ka tageenna ma noqon, kuwa karti u leh iney hoggaan sameystaan. Keliya dagaalkii ayey dhexdooda iskula jeesteen.

Dalalka Jaad iyo Suudaan waxaa soo maray labo keli-taliye oo muddo dheer xukumayay, iney xukunka dhaafaan dad ayaa u dhintay, mid kamid ahna waaba la dilay, isagoo la dagaallamayo mucaarad ka hor-yimid doorashadii uu ku shubtay. Fara-gelin ka timid galbeedka ayaase sabab u noqotay in amni iyo siyaasad ahaan waddamadaasi loo badbaadiyo.

Hadda, dalalka Rwanda, Uganda iyo Eritrea oo keli-teliyayaal ay joogaan waxaa ka jira dowladnimo lagu qiyaaso xaalado kala duwan. Rwanda, Afrikaanku way ammaanayaan hoggaamiyahooda, nadaafadda Kigali iyo dhulka cagaaran ee quruxsan ayaa keli-taliska haysta micna u yeelaya xukunkiisa, shaki kuma jiro, haddii awoodda lagu qabsado in dalkaas uu bur-burinayo. Afewerke, Eritrea waxa uu ka dhigay meel dunida ka hartay. Keli-taliska Uganda-na waxa uu la hardamayaa carruurtii dhalatay markii uu xukunka qabtay kadib oo karhay joogistiisa hoggaanka.

Ma jirto wax lagu taageeri karo keligii telis nolosha bulshada diiddan. Mana aqaan waxay Afrikaanka Soomaalidu ugu horreyso badi ay u biri-taaraan kuwa hoggaaminta aan la mahadin doonin mustaqbalka?

Abdiaziz Barrow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.