Home Afsomali maamul ictiraaf ka raadinaya maamulada kale ee dalka xal ma loo helayaa

maamul ictiraaf ka raadinaya maamulada kale ee dalka xal ma loo helayaa

Maamulka gobolka Gedo ee taageersan dowladda Soomaaliya, oo shir ku yeeshay magaalada Beled-Xaawo, ayaa sheegay inaysan hadda kadib ka mid ahayn maamulka Jubaland ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe.

“Maamulka Gobolka Gado wuxuu isagoo ka turjumaya rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka uu Dawladda federaalka ah iyo beesha caalamka ku wargelinayaa in Gobolka Gedo uusan siyaasad, maamul, amni, iyo arrimo bulsho intaba u hoos tagin maamulka Axmed Madoobe uu sida sharci-darrada ah iskiis ugu yagleeshay Kismaayo, wuxuu maamulka Gedo inta laga helayo maamul ay si xor iyo xalaal ah ay dadka Jubaland kusoo doorteen sii wadi doonaan gudashada howlaha u yaal,” ayaa lagu yirio bayaan kasoo baxay shirka.

Maamulka Gedo ayaa sidoo kale sheegay inay ka digayaan qorshe ay sheegeen in kuraasta baarlamanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo loogu wareejinayo magaalooyin kale oo uu gacanta ku hayo madaxweyne Axmed Madoobe, sida magaalada Kismaayo.

Waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan go’aanadi kasoo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ee la xiriiray doorashada dalka, ayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan sidii gobolka doorasho heer federal loogu qaban lahaa.

Qoraalka kasoo baxay shirka ayaa sidoo kale baaq loogu diray isimada iyo waxgaradka Puntland, ayada oo laga dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii maamulka Puntland u joojin lahaa wax ay ugu yeereen faro-gelinta qaawan ee uu ku hayo arrimaha jubaland.

Hoos ka aqriso bayaanka shirts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.