Home Afsomali Maamula gooni isu taaga jeclaaladay ee Somaliland oo ganafka ku dhuftay...

Maamula gooni isu taaga jeclaaladay ee Somaliland oo ganafka ku dhuftay dalab kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, oo ku aadan midnimada Soomaaliya

Xukuumada Somaliland ee hogaamiyo Muuse Biixi ayaa si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasi oo ku saabsanaa Wada-hadalada Soomqaliya iyo Somaliland.

Xukuumada Biixi ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay iyadu dhinaceeda caqabad ku tahay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo ay markasta wax ku hadasho iyada oo wax ka duwan hadalkaasna ku dhaqanta.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibeda oo xukuumada Biixi u wakiilatay inuu ka jawaab celiyo hadalkii Farmaajo, ayaa waxa uu yidhi: “Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya muddo badan bey soo jiitamayeen, wejiyo kala duwan ayey wada-hadaladaasi soo mareen, Ingiriiska ayey kasoo bilowdeen, Turkiga, Dubai-baa mararka qaarkood lagu shiray xitaa Jabuuti baa lagu shirey, Wada-hadaladii hore ee Somaliland iyo Somalia ka dhexeeyay, wixii kasoo baxay waxay ka hirgeli waayen dhanka Soomaaliya. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi, marwalba waxay diyaar u aheyd oo ku cel-celineysay inay diyaar utahay in wada-hadalada Somaliland iyo Somalia dib u bilowdan, lana gaadho xal, si nabad-galyo lagu dhameeyo mushkilada ka dhaxeysa Somaliland iyo Somaliya.

“Marar badan baa la isku dayey oo beeshu caalamku isku dayday in wada-hadaladaasi dib u bilowdan, marwalba wada-hadaladaasi dhinaca ay ka fashilmayeen waxa ay aheyd dhanka Soomaaliya. Himikana runtii aad baa xooga loo saaraya wada-hadalada, beesha caalamkuna u daneynaysaa, anaguna hadan nahay Somaliland diyaar baan marwalba unahay in wada-hadalaadasi dib u furmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo hadii uu yidhi diyaar ban wada-hadaladaas unahay, marwalba anagu waa soo dhoweynayna, laakiin waxaan leenahay af-caashina iyo qowlkiinu ha is yeeshen, Soomaaliya marwalba waxbay ku hadasha xaga kalena wax ka duwan bey ka wadaa.”

Dhinaca kale, Agaasimaha ayaa ganafka ku dhuftay dalab kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, oo ku aadan midnimada Soomaaliya.

“Runtii waa nasiib darro in maanta qof Soomaaliya ku nooli uu garan waayo wixii lasoo maray iyo wixii dhacayba, anigu ma odhanayo garan maayo laakiin waxan filayaa in uu is yeelyeelayo, wuuna ka dharagsanyahay xaqiiqada taala, Somaliland iyo Somaliya wey midooben, wixii ay ku midoowen waxa laga dhaxlay, iyagu wey ka dharagsanyihiin inaguna wan ka dharagsanahay, maanta wadada keliya ee inoo furan Waxa weeyi in si walaaltinimo ah oo nabadgelyo ah isagu nimaadno oo wixii naga dhaxeeya aynu ku dhameysano ayaa runtii inoo furan, anaguna diyaar ban unahay in miiska wada-hadalka soo wada-fadhiisano oo wixii Soomaaliya iyo Somaliland ka dhexeeya si nabadgelyo ah lagu kala baxo oo walaaltinimo ku dheehantahay, oo darisnimo ku dheehantahay lagu kala baxo diyaar ban unahay, iyaguna waxan rajeynaynaa inay diyaar sidaa si lamida unoqdan”. ayuu yidhi Agaasimuhu.

Ugu dambeyntii Agaasimaha ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in muhiimad gaar ah laheyn meesha lagu qabanayo wada-hadalada, laakiinse ay muhiimadu tahay in meesha wada-hadaladaas lagu qabanayo ay tahay meel dhex-dhexaad ah oo labada dhinacba ku kalsoonyihiin, miiska wada-hadalkana ay la fadhido cid dhex-dhexaadisa oo Soomaaliya iyo Somaliland aysan isku kaliyeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.