Home Afsomali Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka

Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi  ayaa ka dalbaday Mas’uuliyiinta iyo shacabka ku nool degmda Baardheere ee gobolka Gedo in ay  Sugida Amniga kala shaqeeyaan Maamulkooda .

Gudoomiye Maamed Xuseen Alqadi ayaa sidoo kale sheegay  in Maamulka cusub ee loo soo magacaabay  gobolka Gedo qorshahood koowaad uu yahay la dagaalanka Alshabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga  gobolka Gedo.

Dhinaca kale,  Gudoomiye  ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa uga digay siyaasiyiinta Mucaaradaka ah ee hore xilalka uga soo qabtay gobolkaas in y carqaladeeyaan Ma’uliyiinta cusub ee dawlad goboleedka Jubland ay u soo magacaabeen gobolka Gedo.

Ugu dambeeyntiina Gudoomiye  Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ugu baaqay Dawlad goboleedka Jubland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay soo Magacaabaan Maamulada degmooyinka gobolka Gedo si ay shaqada hore ugu sii socoto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.