Cali Gacal Casir, oo ah guddoomiyaha maamulka Galmudug, ayaa ku gacan seyray warqad codsi ahayd oo kasoo baxday Xafiiska wakiilka QM ee Muqdisho Michael Keating, taasoo lagu dalbanayay in xubnaha liiska aqalka sare ee maamulkaas u matalaya laga saaro Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
“Anaga runtii wax naga quseeya ma jiraan arrintaas, qof muwaadin Soomaaliyeed ee ay doorteen Baarlamaanka, waliba cod badan helay in laga saaro inay dhahaan ma ahan, markii hore nalama dhihin qof hebel halaga reebo, warqadaasna inaan meelaha ka maqalnay mooyee nalooma soo dirin”ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir.
Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka Galmudug oo ay iyagu doorteen cidii ay rabeen sida uu yiri.
Xubnaha Qaramada Midoobey qeyla-dhaanta ka keentay ayaa waxaa ka mid ahaa Jen. Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Kursiga Aqalka sare iyo Musharaxiinta kale ee ay soo gudbiyeen Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo kala ah Maxamed Siciid Xirsi Morgan iyo C/fataax Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam.
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa warqad uu u diray Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland waxaa uu ugu baaqay inay ka saaraan liiska shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen Hogaamiye kooxeedyadii dalka, isla markaana dambiyo dagaal galeen.
dhanka youtube ka linkiga hoose
More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0