Home Afsomali Maamulka galmudug “Xaaf shirarka maamul goboleydyada naguma matali karo sii aqri warsaxaafadeedka...

Maamulka galmudug “Xaaf shirarka maamul goboleydyada naguma matali karo sii aqri warsaxaafadeedka cida u mataleyso

War-saxaafadeed uu soo saaray Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Axmed Ducaale Xaaf aanu Galmudug u meteli karin shirarka ay Dawladda Fadaraalka u qabanayso maamul-gobaleedyada.

Waxaa maamulka Galmudug uu War-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Axmed Ducaale Xaaf 29/6/2017 cod-aqlibayad ah oo ah 52 xildhibaan xilka looga qaaday, kaasoo si sharciga iyo Dastuurka Fedaarka ah waafaqsan ku wayay xilkiisi. Isla markaana inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub uu xilka sii haynayo Madaxweyne Ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey).

Maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in uu yahay xubin ka tirsan Dawladda Fedaraalka, kaasoo aad u ixtiraamayo Dastuurka Fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Dastuurka iyo shuruucda kale ee u degsan Galmudug.

Ugu dambayn waxaa maamulka Galmudug uu War-saxaafadeedkiisa ku sheegay in haddii Dawladda Fedaraalka ay ay u aqoonsato Axmed Ducaale Xaaf inuu uu uga qayb galo Shirarka Dawladda Fedaraalka ah iyo Beesha Caalamka iyo kuwa maamul-gobaleedyada in aanay marnaba Aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.