Home Afsomali Maamulka Gobolk Banaadir oo sheegay in uu la dagaalamayo Musuqmaasuqa

Maamulka Gobolk Banaadir oo sheegay in uu la dagaalamayo Musuqmaasuqa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kasta oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)ayaa faray  Aggaasinka kala duwan iyo howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan falkaste oo musuq la xariira, isagoo sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan falkaste musuq maasuq la xariira oo ay kala kulmaan adeegyada uu buxiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Ugu Dambeeyntii  Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in uu la dagaalamaayo Musuqa, iyadoona digniin loo diray xafiisyada bixiya Adeega Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.