Maamulka Gobolka banaadir oo u garaabay qoysas guryahoodii laga burburey oo sheegay in ay u barakaceen ceelasha biyaha iyo goobo kale oo ka baxsan magaalada Muqdisho.
Qoysaska obosiibada daganaa ayaa loo sheegey markii hore in wadooyin loo sameynayo ka dibna xaalku isu bedelay burburin dhamaan guryihii halkaa ku yaalay
Kormeer uu ku tagay goobta kula kulmay qaar ka mid ah dadkii daganaa dhulka danta guud ahaa ee guryahooda cagafta la mariyey ee dhulka lala simay
Waxayna sheegeen in ay dhulkaan deegaansanayeen tan iyo dhicitaankii dowladii dhaxe ee somaliya ganacsata layaqaana looga iibiyey todobo iyo toban kun haatana uu sare u kacay qiimihiisii sidoo kale waxaa ay maamulka gobolka la wadaageen in dhulkii ay daganaayeen la boobay ayna doonayaan in dib loogu soo celiyo
“cagafta qaabka ay guryaheena ku burburisay kuma qancin waxaana naha umamd ciil ka qabta falkii ay sameeyeen maamulka dagmada wardhiigleey
Mid ka mid ah ganacsatadii suuqii hore ee siinaay ayaa uga sheekeeyey xaaladihii uu suuqu soo maray maamulka Gobolka banaadir
Dadkaan ayaa kala ahaa Qeyb ka mid ah ganacsatadii suuqii siinaay iyo kuwa dagay xiligii dowladii dhacday waxayna aheyd boosteejo ay ka bixi jireen Gaadiidaka aada gobolada dhexe ee dalka
Gudoomiye ku Xigeenka maamulka maamliyada ee gobolka banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Boombale : caana boore oo goobta tagay warbixina ka dhageystay qoysaska ayaa tibaaxay in burburintaan uusan maamulka Gobolka banaadir waxba la ogeryn anan lagala tashay isla markaana uu ka xun yahay maamulku ayna bari doonaa cidii ka danbeysay dhibaatada gaartay qoysaskaan