Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa ka laabtay wareegto ka soo baxday dhowaan xafiiskiisa oo gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis loogu magacaabay Ismaaciil cumar Mukhtar Orange oo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta Dowlada.
Arintan ayaa timid ka dib markii odayaal iyo iyo waxgarad ku heyb ah guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane ay dacwad gaarsiiyeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo diidan xilka ka qaadista lagu sameeyey gudoomiyihii degmadaas.
Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa cabashadaas ka dib gudoomiyaha gobolka Banaadir ka dalbaday in gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada C/casiis loo daayo xilkiisa, gudoomiyihii loo magacaabayna meelo kale loo day dayo.
Ing. Yariisow oo fulinaya dalabka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka laabtay wareegtadii xilka looga qaaday gudoomiyaha degmada C/casiis, isagoo dhinaca kale soo saaray wareegto kale oo Ismaaciil cumar muqtaar Orange uu ugu magacaabay gudoomiyaha degmada Xamar Jajab oo banaanaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.
Degmada Xamar jajab ayaa aheyd gudoomiye la’aan maadaama gudoomiyihii degmadaas maalmo ka hor xilka laga qaaday, loona magacaabay gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Hakka gudoomiyihii hora Axmed m geedow na xilka qaadis hu Ku sameeyey maamulku yeeshee aan helin Cid sidaan oo kale ugu dooda si gudoomiyenimadiisa loogu daayo
Sidoo kale waxaa laga noqday xilka qaadistii lagu sameeyey gudoomiyaha dagmada holwadaag iyo gudoomiyihii loo magacaabay ee lagu bedelay ka dib markii arinkaasi uu lugaha la galay xafiiska raiisalwasaarahay
Talaabadan ayaa muujineysa jahwareerka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ka heysta maamulada degmooyinka gobolka iyo kala bedelaadooda.
Arimahan oo dhan ayaa ku soo beegmay xili muddo dhowr bilood ah ay maamul la’aan yihiin degmooyinka Xamar-weyne ka dib markii maamulka gobolka uu shaqada uga joojiyey labadii gudomiye ee degmooyinkaas oo shacabka ku nool ay isweydiinayaan xiliga loo soo magacaabi doono masuuliyiin cusub, waxaana hadda howlaha maamulka labada degmo sii wada gudoomiye ku-xigeenada.