Home Afsomali Maamulka Gobolka Hiiran oo War kasoo saaray qaraxyada khasaaraha geystay

Maamulka Gobolka Hiiran oo War kasoo saaray qaraxyada khasaaraha geystay

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu Tacsi tiraanyo leh u diray ehelkii qaraabadii iyo qoysaskii ay ka  baxeen Shacabkii ku dhintay qaraxyadii saaka ka dhacay Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan xilli aroor ah , iyo askartii dhimashada iyo dhaawaca ku noqotay.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa ugu baaqay hay’addaha kala Duwan ee cafmaadka  in la sameeyo gargaar Cafmaad oo degdeg si loo badbaadiyo Shacabka dhaawaca ah ee u baahan daryeel cafmaad oo Degdeg ah shacab-kane aay dhiigooda bixiyaan.

“ Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu wadaa dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu soo Afjarayo haraadiga  Al-Shabaab waxuuna gurmad u fidinayo Shacabka dhibaatadu ka soo gaartay Weerarada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Maamulka.

Al-Shabaabka looga Adkaaday gulufka howlgallada ka dhanka ah ee Gobalka hiiraan ma cabsi gelin doonaan  marnaba ficiladooda ma Cabsi Gelin doonaan guud ahaan maamulka iyo Shacabka ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka Maamulka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen inay weerareen goobo laga soo abaabulayay weerarada ka dhanka ah Al-Shababa ee ka dhaca gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.