Home Afsomali Maamulka gooni goosadka ah ee beelaha Waqooyin oo Qoysaskii ugu badnaa ee...

Maamulka gooni goosadka ah ee beelaha Waqooyin oo Qoysaskii ugu badnaa ee u dhashay beesha Hawiye ku bilalabay tarxiil Muqdisho lagu geynayo

Qoysaskii ugu badnaa ee u dhashay beesha Hawiye ayaa isaga guuray Hargeysa kadib markii xalay iyo maanta Xabsiga loo taxaabay 223 qof oo u dhashay beesha Hawiye kuwaas oo la sheegay in loo masaafurin doono Muqdisho.
Maamulka Isaaq ee Muse biixi wuxuu horey fal nuucaana ugu kacay xilligii dagaalkii Yemen , waxaa la xasuustaa in qoysaskii Hawiye ee ka soo cararay dagaalka Yemen lagu celiyay Markabkii ay dulsaarnaayeen , halka Berbera loo fasaxay dadkii u dhashay Daarood, Isaa

dhan ka kale Kadib markii Maanta Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro uu Maanta sheegay in Eeda ah in Xisbiyada heystaan Ciidamo maleeshiyaad ah lagul baneeysanayo in la weeraro ayaa waxaa Ciidamo farabadan la dhigay waddooyinka Magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa waddooyinka Magaalada Hargeysa Maanta ku daadisay Ciidamo Boolis ah oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaas oo dhamaan la geeyay waddooyinka soo gala Magaalada Hargeysa iyo dhamaan waddooyinkeeda.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u diidaya inay gaadiidka iyo dadweynaha isticmaalaan, waxaana sababaha lagu sheegay Xukuumadda Somaliland oo ka baqdin qabta in Xisbiyada mucaaradka ay dhigaan bannaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland in uu doonayo muddo kororsi, wuxuuna sicad u sheegay in hadii la gaaro 13 Bisha November asyan ka dhicin Somaliland doorasho ay u siman yihiin Muuse Biixi Somaliland oo uu ula jeedo in uu yahay Madaxweynaha Somaliland.

Khiaafka u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa xoogeystay, kaas oo salka ku haaya arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.