Home Afsomali Maamulka Hirshabelle iyo Madax ka socotay urur goboleydka IGAD oo Jowhar kula...

Maamulka Hirshabelle iyo Madax ka socotay urur goboleydka IGAD oo Jowhar kula shirar Musharaxiinta Hirshabelle DAAWO SAWIRADA )

Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa  kulan ku yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle iyo madax ka socotay Urur Goboleedka IGD.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Siihayaha Xilka madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle,Gudoonka Baarlamaanka, Gudiga Doorashada Madaxweynaha,Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Qaarka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Kasoo jeeda Hirshabeelle,Saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD iyo Musharixiinta U tartameyso Xilka Madaxtinimada Hirshabeelle.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa sidii looga wada Shaqeyn lahaa amniga iyo sidoo kale Mudada 4 Cisho ee lagu daray Waqtiga Doorashada inay Musharaxiinta isu sii diyaariyaan iyo in laga wada shaqeeyo Horumarka Maamulka Hirshabeelle.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.