Home Afsomali maamulka iyo howlwadeena website ka www.somalisan.com oo ka hadlay Arin warbaahinta la...

maamulka iyo howlwadeena website ka www.somalisan.com oo ka hadlay Arin warbaahinta la soo daristay

Suxufiyiinta ayaa ka hor istaagay inay soo sheegaan oo ay la wareegaan qalabkoodii ku baahsanaa guud ahaan Soomaaliya

somalisan,com  waxay cambaareyneysaa ficillada xayiraadaha, faafreebka iyo rabshadaha ka dhanka ah suxufiyiinta ka hawlgala Muqdisho, Jowhar iyo Laascaanood xili suxufiyiintu ay ku sugnaayeen howlo ay ku soo bandhigayaan dhacdooyinka danta guud ah Maalmihii Isniinta 09-ka Diseembar 2019 iyo Arbacada 11-ka Diseembar siday u kala horreeyaan.

 

Subaxnimadii Arbacada, booliis hubaysan ayaa horjoogsaday oo ku hanjabay inay tooganayaan suxufiyiin u shaqeeya warbaahinta maxalliga ah iyo wakaaladaha wararka caalamiga ah iyagoo qaadaya sawirro oo markaa duubanaya dhacdadii Hoteelka SYL ka dib weerar argagixiso oo hoelka lagu ekeeyey . Suxufiyiintii la hadlay somalisan ayaa sheegay kadib markii ay isugu soo baxeen bannaanka kashmiir in ay eryadeen saraakiil ka tirsan waaxda ilaalada madaxtooyada ee loo yaqaan koofiyad cas  “beret read”.

 

Magaalada Jowhar, saddex suxufi oo telefishan u shaqeeya sida : wariyaha TV-ga RTN, Xamdi Abuukar Xasan; Wariyaha Dalsan, Maxamed Yaasiin Mahdi iyo weriye ka tirsan telefishanka CNA, Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaasha) ayaa loo diiday galabnimadii Arbacadii iyagoo isku dayaya inay kahadlaan munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Jowhar halkaas oo wakiilo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka. Horumarinta (IGAD) ay gaareen kulana  kulmayeen madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare. Saxafiyiinta ayaa sidoo kale u sheegay somalisan in kaamirooyinkooda ay kala wareegeen ciidamada amaanka ee madaxweynaha Hirshabelle, Cabdi Cali iyaga oo sheegay in uu yahay falkaasi amar ka soo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka.

 

Dhinaca kale Isniintii 09kii Diseembar, booliska Somaliland ee Laascaanood ayaa xannibay, una hanjabay oo la wareegey qalabkii ay wateen toddobo wariye oo kala ahaa: Cabdiraxmaan Cali Ducaale (Horyaal24 TV); Maxamed Shaqalle Ashur (Somnews TV); Farxaan Maxamed Caydiid (RTN TV); Cali Dhegjar (SBC TV); Cabdiraxmaan Axmed Olol (Horn Cable TV); Faarax Maxamuud Dubbad (Goobjoog TV) iyo Mowliid Ismaaciil Dige (Eryal TV). Suxufiyiintan ayaa soo duubay munaasabad caleemo saar oo ka dhacday huteel cusub oo ku yaal magaalada Laascaanood halkaas oo milkiilayaashu ku soo bandhigeen calanka Soomaaliya oo ay ka mid ah calamada kale ee dalalka gobolka.

 

Sida laga soo xigtay suxufiyiintan, markii kaamirooyinkii la siiyey waxay arkeen kaararka momorigii oo ka wada maqan taasoo ka dhigtay inay awoodi kari waayaan inay soo sheegaan wixii dhacay.

 

Cabdiraxmaan Olol oo ka tirsan telefishanka Horn Cable oo loo xiray inuu si toos ah uga tabinayay dhacdada akoonkiisa Facebook ayaa markii dambe la siidaayay iyada oo aan wax dambi ah lagu soo oogin ka dib muddo saddex saacadood ah oo uu falkaa u xirnaa

Waxaan cambaareyneynaa nooc kasta oo xadgudubyo ah oo loo geysto suxufiyiinta oo ay ku jiraan kadeedis, qabashada qalabka iyo xannibaadda helitaanka macluumaadka.

Kuwani kaliya maaha kuwo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda laakiin waxay sidoo kale xadgudub ku yihiin dastuurka kaas oo damaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda iyo marin u helka macluumaadka,

 

“Maamulka ayaa ah inay si dhakhso ah u baaraan dhacdooyinkaas ayna hubiyaan suxufiyiinta inay xaq u leeyihiin inay gutaan waajibaadkooda iyagoo ka baqaya aargudasho.”si kastaba ma haboona in la hor istaago waxyna la macno noqonaysaa bulshada oo la caburiyey arimahaan oo kale waana canbaareynaa ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ka soo baxay maamulka iyo howlwadeena website ka www.somalisan.com mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.