Home Afsomali Maamulka jasiirada yar ee aan la aqoonsaneyn ee Taiwan oo Deeq waxbarasho...

Maamulka jasiirada yar ee aan la aqoonsaneyn ee Taiwan oo Deeq waxbarasho siisay Arday kasoo jeeda Somalilnad iyo Muuse Biixi oo sagootiyay Sawiro

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay 33 (Saddex iyo soddon) Arday oo ku guulaystay tartan loo galay deeq waxbarasho oo Taiwan siisay Somaliland, kuwaas oo hayaankooda waxbarasho u ambo baxaya.

Kulankan sagootinta ah oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxa guddida tacliinta sare ee Somaliland, safiirrada Somaliland iyo Taiwan u kala fadhiya labada dal ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho iyo waalidiintooda, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu dhiirrigelinayo ardayda, looguna mahadnaqayo waalidiintii kusoo tacabtay iyo Taiwan ee deeqdan bixiyeyba.

Ugu horrayn safiirka Taiwan u qaabilsan Somaliland, Amb. Allen Chenhwa Lou oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan iyo qiimaha ay leedahay deeqda waxbarasho ee Ardaydan la siiyey, waxana uu kula dardaarmay xubnaha guulaystay inay ka faa’iidaystaan fursaddaas la siiyey.

Axmed Siciid Cige oo ku hadlay magaca waalidiinta Ardayda deeqda waxbarasho heshay, ayaa si weyn uga mahadnaqay deeqda Ubadka la siiyey, waxana uu ku adkeeyey inay kasoo dhalaalaan doorkooda ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta lagu siiyey.

Cabdiraxmaan Xuseen Muuse oo ku hadlayey magaca Ardayda deeqda waxbarasho heshay oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey fursadda la siiyey, waxana uu ballan qaaday inay arday ahaan ka go’an tahay sidii ay fursaddaas uga midho dhalin lahaayeen.

Wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska iyo Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa iyaguna si isku mid ah ula dardaarmay Ardayda waxbarashada u baxaysa, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay noqdaan safiirro metelaya qarankooda, deeqda la siiyeyna guul kasoo hooya.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka sagootinta ah soo gebogebeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ka faa’iidaysta deeqda la siiyey, una dhabar-aradayga caqabadaha ay kala kulmi doonaan dalka ay tegayaan oo ah mid ay isku cusub yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Ardayda la wadaagay khibraddiisa la xidhiidha waqti hore oo uu deeq waxbarasho ka helay dal dibadeed, waxana uu tilmaamay inay da’adoodii ku dedaaleen inay jiilasha dambe uga tagaan wax la taaban karo oo dhaxal ah,

“Annaga da’adayada waaweyni dedaalkayagii wixii aannu la kulannay halkaas ayaanu idin soo gaadhsiinnay, idinkana waxa la rabaa inaad halkaas ka qaaddaan, Insha Allaahu fogaan mayso inaad ka sheekaysaan in madaxweyne iyo wasiirro idin waddaceen maanta, idinkoo nolol wanaagsan gaadha, waxbarashaduna waa qori isu dhiib,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madasha ka ballan qaaday inay xukuumaddu tigidhada diyaaradaha ka bixinayso Ardayda qayb ahaan iska bixinaysa deeqda waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.