Home Afsomali Maamulka Jubbaland oo ku baaqay in loo Midoobo la dagaalanka Al-Shabaab

Maamulka Jubbaland oo ku baaqay in loo Midoobo la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa shacabka reer Kismaayo ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto Al-Shabaab oo fuliya weeraro ay ku waxyeeloobaan dad Shacab ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxa iyo weerarka  in  Alle uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ugu dambayn Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidammada mudada kooban kuso afjaray weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.