Home Afsomali Maamulka Jubbaland oo sheegay inay howgal kudileen Saraakiil & Xubno katirsan Al-Sabaab

Maamulka Jubbaland oo sheegay inay howgal kudileen Saraakiil & Xubno katirsan Al-Sabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la sheegay in maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ilaa Afar Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab oo uu kamid yahay Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Jannaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey dilka raggan, sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.