Home Afsomali Maamulka Koonfur Galbeed oo abaabul dagaal ka bilaabay degaano kamid ah Gobolka...

Maamulka Koonfur Galbeed oo abaabul dagaal ka bilaabay degaano kamid ah Gobolka Baay

 

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed Ibraahim Biano, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ayaa gaaray degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdigaan ayaa waxaa degmada Bardaale kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugan degmadaas, waxaana  ujeedada Safarka uu yahay  u kuur galida Xaladda Guud ee Degmada iyo Diinwan gelinta Ciidanka Daraashiista KG ee kusugan Berdaale.

Xubnaha wafdiga ayaa kala hadli doona saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Koonfur galbeed dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada hoostaga degmada Bardaale.

Degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxaa hdowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, iyada oo dhinaca kale ciidamada dowladda ay howlgallo fuliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.