Home Afsomali Maamulka Koonfur Galbeed oo soo geba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo geba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddiga hirelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta sooo geba-gabeeyay doorashada 69 Xildhibaan ee Golaha Shacabka ku leeyahay Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana maanta Magaalada baydhabo lagu doortay 7-dii kursi ee ugu dambeeysay.

Kuriga Koowaad ee Hop#047 oo ay ku fadhisay Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo meesha laga saaray kadib markii Walaalkeed la siiyay kursiga Aqalka Sare ayaa waxaa ku guuleysatay Xaawo Sokor Cali oo heshay 79-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Faadumo Maxamed Isxaaq ay heshay 18-cod.

Kursiga labaad ee hop#164 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax) ayaa waxaa Maanta doorashadii ka dhacday Baydhabo ku guuleystay Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi.

Kursiga Saddexaad ee Hop#172 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Cadow Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, waxaana uu kursugaan ku matalayaa madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Kursiga Afaraad ee Hop#204 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag,, waxaana kursigaan doonayay oo loo diiday in uu u tartamo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Kursiga Shanaad ee Hop#197 ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Baay Cumar Cali Isaaq Balash, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee howlaha guud iyo Guryeynta Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Kursiga lixaad ee Hop#181 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Maryan Macalin Isaaq oo kursigaan horay ugu fadhiday.

Kursiga todobaad ee uu dambeeya doorashadii manta ee magaalada Baydhabo ee Hop#179 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Axmed garweyne balse meesha laga saaray ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Keerow Maxamed.

Maamulka koonfur galbeed ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee soo geba-gabeeya doorashadooyinka Golaha Shacabka, waxaana kasii horeeyay Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.