Home Afsomali Maamulka Muuse Biixi oo weli diidan in siyasiyiinta ka soo jeeda gobolada...

Maamulka Muuse Biixi oo weli diidan in siyasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi aysan tagi karin hargeysa iyo deegaanadooda

Somaliland ayaa ogolaatay in aan la siyaasadeyn isku socodka dadka Shacabka ee Soomaaliya iyo Somaliland kuwaasoo aysan ku jirin Siyaasiyiinta labada dhinac.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu faahfaahiyay in kulamadii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti ee ay yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya ayna hoggaaminaysay dowladda Jabuuti.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Qoraalkaan waxaa lagu faah-faahiyay howlaha horyaalla guddiga labada dhinac ee loo qorsheeyay sii wadista shirarka dhab u heshiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo uu marti geliye ka yahay Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle, halka socodsiintiisana loo xilsaaray Wasiirkiisa Arrimaha dibadda.

Xubnaha labada Guddiga waxaa kala hoggaaminayo dhanka DFS Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye iyo Somaliland oo uu wakiil ka yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.