Home Afsomali Maamulka Puntlan ayaa qaadacay Amar ka Soo Baxay Dowlaada Somaliya

Maamulka Puntlan ayaa qaadacay Amar ka Soo Baxay Dowlaada Somaliya

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu soo saaray amar ku saabsan in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadato magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid caddeynaysa in qofku aanu qabin covid19, loo aqoonsan doono in ay tahay wax kama jiraan baal marsan hannaanka baarista Covid19.

Balse agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku qaadacay amarka ah in Muqdisho kaliya shahaadaha laga qaadan karo, maadaama ay Puntland yaaliin mashiino casri ah oo lagu baro cudurka COVID19.

CADDYN
Baaritaanka covid19 ee dadka ka safraya puntland Waxaan halkan ku caddaynnaa in puntland leedahay shaybaaro lagu baaro covid19 lana aqoonsan yahay . Kuna yaal Bosaso iyo Garowe( Galkacyo asbuuuc kadib la furayo) ciddii safar aadaysaa xarumahaas bay baaritaan u tagi karaan kana qaadan karaan shahaadada caddaynta cudurka covid19.
warqadda ka soo baxday wasaaradda Caafimaadka federalka ma khusayso puntland.

Mahadsanid

Cabdirisaaq xirsi Xasan
Agaasimaha Guud w/ Caafimaadka puntland

Waxaa dhowaan dib loo furi doonaa duulimaadyada dalka taasoo qof kasta oo ka dhoofaya Soomaaliya ku qasabi doonta in uu qaato shahaadadaas caafimaad.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.