Home Afsomali Maamulka Puntland oo ka biyo diiday  go’aan dhowaan ka soo baxay Wasaarada...

Maamulka Puntland oo ka biyo diiday  go’aan dhowaan ka soo baxay Wasaarada Waxbarshada DF

https://youtu.be/MVSiWjxN0ME

Puntland ayaa ka soo horjeesatay go’aan dhowaan ka soo baxay Wasaarada waxbarashada ee xukuumada Somalia kaasoo sheegayey in laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliinta jaamacadeed ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Qoraal ka soo baxay  Wasaarada waxbarashada Somalia ayaa lagu sheegay in Maaddooyinka lagu baranyo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah, waa in ay ka mid noqdaan: Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardaygu ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Hab-qoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Hase ahaatee Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay inaan go’aankaas lagala tashan, iyadoo ugu baaqday Jaamacadaha ku yaalla Puntland iney iskugu yimaadaan kulan arrintaas looga arrinsanayo.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.