Home Afsomali Maamulka Somaliland ee Buuhood ee gacan ku dhiigle siyaabo kala duwan laba...

Maamulka Somaliland ee Buuhood ee gacan ku dhiigle siyaabo kala duwan laba qof u dilay ku fuliyey dil toogasho ah

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ay sameeyeen waxa ay Gacanta ku soo dhigeen nin shalay gelinkii dambe Magaalada Buuhoodle ku dilay Nin kale.

Ninka ayaa horay  u dilay marxuum  lagu Magacaabi jiray Abshir Fuje,isaga oo shalay Magaalada Buuhoodle ku dilay nin ay xooga ismaan dhaafeen oo lagu Magacaabi jiray Cabdisamad Xaaji Abukar.

Intaas kadib ciidamada Booliiska Soomaaliland iyo qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay waqti badan geliyeen sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Ninkaas dilka geestay,iyada oo ugu dambeyn la soo qabtay.

Kulan iyo wadatashi dheer kadib waxaa la Go’aamiyay in fal qisaas ah lagu fuliyo Ninkaas Gacan ku dhiiglaha ah,sida uu saxaafada  u sheegay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka Magaalada Buuhoodle.

Arrinkan ayaa aad looga hadal hayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda,waxaana soo dhaweeyay qaar ka mid ah bulshada Magaalada Buuhoodle.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Puntlnd  Cabdullaahi Cali xersi (Timajilic) ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya uu la xisaabtami doona Madaxda maamulada ka jira deegaanada kala duwan ee Maamulkaasi Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in isagu uu yahay nin Shaqo islamarkaana uu jecel yahay maadaama haatan xilkaan loo dhiibay in uu wax badan ku soo kordhiyo Puntland.

Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday dhamaan Madaxda iyo Shacabka Puntlnd in ay dhinac walba kala Shaqeeyaan.

Hadalkaan ayaa Wasiirka waxa uu Maanta ka sheegay Munaasabad uu xilka kul wreegayay oo lagu qabtay Magaaladaa Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Hoos Ka Dhageyso Khubadii Wasiirka

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.