Home Afsomali Maamulka Somaliland oo ka fal celiyey Go.aankii Dowlada Somalia

Maamulka Somaliland oo ka fal celiyey Go.aankii Dowlada Somalia

Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo uu ku sheegay in Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland Maanta ayaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeeray Dawladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid la doonayo in lagu Carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonto xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Waraysi uu siiyey Telefiishanka Al-arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maalgelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin.

Shirkadda DP World ayaa gacanta ku heysa Dekeddaha Berbera iyo sidoo kale Boosaaso ka dib markii heshiis hoosaad ay la gaartay Somaliland iyo Puntland, waxaa sidoo kale xusid mudan in Shirkadaasi horay looga soo ceyriyay dalka Jabuuti.

Previous articleBangiga caalamiga ee IBS oo soo bandhigay adeega (IBS MOBILE BANKING), SAWIRO
Next articleAqalka Sare oo Warmurtiyeed ka soo saaray doorashooyinka dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.