Home Afsomali Maamulka Somaliland oo Muqdisho geeyey lacag gaareysa $600,000

Maamulka Somaliland oo Muqdisho geeyey lacag gaareysa $600,000

77
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Guddi maamulka Somaliland u xil saaray taakuleynta dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadyadii dhawaan ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baladeweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay xubnahan lacagta sida Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowlada federaalka Soomaaliya una badnaa kuwa kasoo jeeday gobolada Waqooyi.

Guddigan maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan lacag ka badan $600,000 ,oo ay iska soo aruuriyeen shacabka Somaliland kuwaa oo ay ugu talageen in lagu caawiyo dadkii ay saameeyeen fataahaadii Baladweyne.

Waxaa la filayaa guddigan ka socda Somaliland ee waday lacagta kaalmadaha in ay ku wareejiyaan guddiga ay dowlada federaalka Soomaaliya u saartay kaalmada iyo wax u qabashadada dadkii ay fatahaadyada saameeyeen.

Somaliland ayaa sidan oo kale horey Koonfurta Soomaaliya usoo gaarsiisay lacago badan oo kaalmo ah ay iska soo aruuriyeen dadka kunool deegaanada Somaliland , lacagahaas ayaana lagu caawiyay dad ay abaaro iyo fatahaadyo saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here