Home Afsomali Macalimad talaashay arday ay wax u dhigto oo la xiray laguna soo...

Macalimad talaashay arday ay wax u dhigto oo la xiray laguna soo oogay Dambi

Macalimad u dhalatay dalka Mareykanka waxna ka dhigta iskuul kuyaala magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii lagu eedeeyay in ay talaashay weel kamid ahaa ardayda ay waxbarto.

Laura Russoay , oo ah macalimad dhigta maadama bayoolajiga, ayaa dhawaan ciidamada amaanka xabsiga dhigeen, waxaana macalimadan lagu eedeeyay iyada oon xirfad caafimaad laheyn in ay talaashay arday.

Booliska New Yourk waxay sheegeen in macalimad Laura Russoay ay ardeyga gurigeeda ku siisay tallaalka kahor taga Covid-19 iyadoo aan wax ogolaansho oo sharci ah heysan sidoo kale aan fasax ka helin waalidiinta ardeyga.

Macalimadan oo hada ku jirta xabsi ayaa wajaheysa eedeymaha dambiga lagu soo oogay, waxaana hadii lagu helo dambiga lagu eedeeyay ay wajihi kartaa xabsi gaaraya ilaa afar sanadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.