Home Afsomali Macallin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa si rasmiya u iclaamiyay dagaa

Macallin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa si rasmiya u iclaamiyay dagaa

Hoggaamiyaha guud ee Culimaa’udiinka Ahlusunna, Macallin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa si rasmiya u iclaamiyay dagaal Al-shabaab lala galayo guud ahaan  Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu goor dhowayd soo saaray, ayuu ku sheegay in Ahlusunna isu taageen xoraynta Gobollada dhexe, si shacabka dhulkaas looga dulqaado Al-shabaab.

“Ahlusunna Waljamaaca waxa ay culumo iyo xerba u istaageen xoreynta dhulka cadawga qawaarijtu dhibaateynayo ee Gobolada Dhexe” ayuu yiri Macallin Maxamuud.

Sidoo kale, wuxu sheegay in qof kasta oo ku dhinta dagaalkaas uu yahay shahiid ilaahay u ballan-qaaday Janno.

“Waxaa ujeedku yahay in aan ummada ka dul qaadno Cadawga Alshabaab, qof kasta oo dagaalkaa ku dhintana waa shahiid sida alle balan qaaday” ayuu sii raaciyay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli Gobollada dhexe ay ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Ahlusunna iyo Galmudug.

www.somalisan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.