Home Afsomali Machad loogu talo galay la dagaalanka fikirka Al-shabaab oo Muqdisho laga furey

Machad loogu talo galay la dagaalanka fikirka Al-shabaab oo Muqdisho laga furey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare —hirgelinta Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.