Kulankan ayaa dhacay kaddib markii la soo gabagabeeyey caleemo saarkii madaxweynaha Cusub ee maamulka puntland Saciid Cabdullaahi Deni isla markaana uu si gooni ah uu isugu yeeray Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Xubno kale oo uu ka mid ahaa raiisalw asaarihii hore Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed geedi madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan faroole madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar camey iyoi Masuuliyiin kale .
Xafladii xalay ee caleema saarka Madaxweyne Saciid Deni ayaa inteeda badan looga hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafka, lana isku cafin lahaa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu balan-qaaday wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Wuxuuna Madaxweyne farmaajo intii ay sacotay Munaasibadaasi sheegay in uu cafiyey cidkasta oo uu wax ka tabhanayey isne uu dalbaday in la iska cafiyo
Kulanka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hirshabeelle, waxayna soo saareen war murtiyeed dhowr qodob ka kooban
Maamul goboleedyada ayaa bishii September ee sanadkii la soo dhaafay hakiyay wada shaqeyntii dowladda Federaalka, waxaana taas ay keentay in khilaafka dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada in heerkii ugu xumaa uu gaaro.