Home Afsomali Madaweynaha Maamul goboleedka hirshabell state oo shaaciyey xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka

Madaweynaha Maamul goboleedka hirshabell state oo shaaciyey xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka

Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamulkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer Federaal & heer dowlad goboleed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo soo saaray wareegto ayaa ku magacaabay illaa afar xubnood oo HirShabelle ku metalaya doorashada soo socota ee 2020/2021-ka.

Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow ayaa HirShabelle ku metalaya guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Sidoo lale Farxiyo Maxamed Guuleed iyo Liibaan Cusmaan Nuur ayuu Waare u xushay inay HirShabelle ku metalaan guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federaal.

HirShabelle ayaa sidaas ku noqtay maamul goboleedkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada ka shaqeynaya doorashada soo socota ee 20/21.

Maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaa horey u shaaciyey liiska xubnaha ku metalaya guddiyadaasi.

Saacadaha soo socdo ayaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu soo saaro wareegto uu ku shaacinayo labadaasi guddi oo ay ku mideysan yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, iyada oo shalay la ansixiyey xukuumaddii hirgelin laheyd doorashooyinkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.