Home Afsomali Madaxa Shirkada DP World oo Kormeer howleed ku tagay dhulka...

Madaxa Shirkada DP World oo Kormeer howleed ku tagay dhulka laga dhisayo Bakhaarada ay Ethiopia ku keydsaneyso Shixnadaha uga soo dega Dekada Bebera.

Madaxa Shirkada DP World ee Soomaaliland ayaa Maanta waxa uu kormeer ku tagay  halka laga dhisayo Bakhaarada ay Itoobiya ku keydsaneyso Shixnadaha uga soo dega Dekada Bebera.

Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinayey maareeyaha Dekada Magaalada Berbera,waxana Bakhaaradaas laga dhisayaa ama ay ku yaallaan magaalada Wajaale ee Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland.

Ethiopia ayaa dhawaan saami dhan 19% ku yeelatay maalgashiga Dekedda magaalada Berbera,iyada oo heshiiskii Saddezxx geesoodka ahaa ee dhex maray Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World uu xiisad ka dhex dhaliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.