Zakariye Ismaaciil oo ku magacawnaa Madaxa Sirdoonka NISA ayaa shaqadii laga eryay. Waxaana lagu badalay Sarkaal kale.
Zakariye ayaa ka hor inta uusan ku biirin NISA waxa uu ahaa Madaxa Sirdoonka Alshabaab, Waxaana uu Dowladda Somalia isku soo dhiibay Billowgii 2015-ka.
Ma cadda sababt xilka looga qaaday Zakariye, balse waxaa jiray dhaliilo loo jeedin jiray Dowladda oo ay ka mid tahay in Nin ka soo goostay Alshabaab loo dhiibo masuuliyad heerkaas le’eg.
Sakariya Ismaaciil waxaa uu ku jiray liiska madaxda al-Shabaab ee Mareykanku dul dhigay malaayiinta dollar, waxaana dulsaarnaa madaxiisa saddex milyan oo dollar hase yeeshee goor danbe ayaa laga saaray