Home Afsomali Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho kulan ku yeelanaya

Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho kulan ku yeelanaya

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa War-murtiyeed ka soo saaray Shirkii Garoowe uga socday maalmihii la soo dhaafay, waxaana ay sheegeen in wada hadal doorashada ku saabsan la galayaan Madaxda Federaalka, isla markaana ay muqdisho u safri doonaan.

War-Saxaafadeedka ayay labada Madaxweyne ku sheegeen in intii ay shirarka uga socdeen Magaalada Garoowe ay wada-hadallo dhinaca taleefoonka ah yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, isla markaana ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha siyaasadeed ee dalka.

 

Waxaa ay sheegeen in shir wadatashi ah ay Magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka & Dowladaha Xubnaha ka ah si looga wadatashado xalka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, lana ilaaliyo wadajirka, Amniga iyo xasiloonida dalka, iyaga oo u mahad celiyay Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.