Home Afsomali Madaxda dunida iyo falcelintii weerarkii Argagixiso ee newzeland

Madaxda dunida iyo falcelintii weerarkii Argagixiso ee newzeland

Ninkii fuliyay weerarkii New Zealand oo la aqoonsaday iyo Madaxda dunida oo ka hadashay

Weerar lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunida.

Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah – ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka.

“waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.”

Muslimiinta waxay wajahayaan dil wadareed

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”

“Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan.

Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

“Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.

War naxdin leh

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ficil laga yaqsiyoodo

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”

Dambi arxan darro

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri “weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.

Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”

www.somalisan.org

Visit website

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.