In kasto oo aan si dhab ah loo cadeyn karin sharci ahaashiyaha shirka duqowda geedlaan uga socdo magaalada kismaayo ayaa hadana Waxaa maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka Hoggaamiyayaashaas uga socda Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland
Gundhuga sheekada ayaa ah waxay barteenoo baryahaan la waayey baafinayaan
Waxaan Gabagabada Shirkaan lagu wadaa in uu ka soo baxo War Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay mudo isku khilaafsanaayee balse is nari waa ka dib isla meel dhigeen Madaxda reer geed laan ee ku shirsan Kismaayo.
Falanqeeyayaasha u kuura galay arrimaha shirkaan ayaa Odorasaya in shirkaasi uu ka soo bixi karo qodobo lagu dhaliilayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin Shirka Madaxda geed laand ee sheegta in ay maaxka yihiin Goboleedyada Soomaaliyeed oo aan og nahay in ay diyaarad isaga kala gooshaan amaan xumo darteed