Home Afsomali Madaxda siyaasiyiinta iyo Hogaamiyeyasha Puntland oo garawe ku shirsan ( DAAWO SAWIRADA...

Madaxda siyaasiyiinta iyo Hogaamiyeyasha Puntland oo garawe ku shirsan ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda.
Waxaa ka warbixiyay Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda Iyadoo xalayto uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland dhammaan Masuul, Siyaasi, Waxgarad iyo Isimada Puntland in laga wada qeyb qaato nabad in lagu dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayaa Madaxdii Hore ee Puntland iyo Soomaaliya waxay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta.
Kulanka oo ahaa soo dhoweyn waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo aqoonyahanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.