Home Afsomali Madaxda Dowlada Somaliya oo Villa Somaliya ku qaabishay Wafdigii Reer Turki (...

Madaxda Dowlada Somaliya oo Villa Somaliya ku qaabishay Wafdigii Reer Turki ( DAAWO SAWIRADA

Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Somalia ayaa qaabilay wafdigii uu hogaaminayey raisul wasaare ku-xigeenka dowlada Turkiga Hakan Çavuşoğlu oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulamadan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Somalia waxay kala hadleen masuuliyiinta Turkiga xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa mashaariicda Turkigu ka wado dalka.

Raisul wasaare ku-xigeenka dowlada Turkiga Hakan Çavuşoğlu ayaa ugu horeyn madaxda dowlada uga mahad celiyey sidii diiraneyd ee dalka loogu soo dhoweeyey, isagoo dhinaca kale sheegay in Turkigu sii wadayo kaalmada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Hakan Çavuşoğlu ayaa amaanay horumarka iyo amaanka ka jira magaalada Muqdisho oo uu xusay inuu ku arkay wixii uu filayey wax ka wanaagsan, isagoo madaxda dowlada, ciidamada iyo shacabkaba ku amaanay dedaalka ay ka muujiyeen xasiloonida ka jirta caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.