C/laahi Maxamed Cabdulle (Saneey) Agaasimihii Waaxda Dab Damiska, iyo Soolarada Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu haayay ka dib Shir Jaraa’id oo Maanta uu ku qabtay Muqdisho.
Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee uu isku casilay ay tahay ka dib markii uu xuquuq iyo Tixgelin u waayay sida uu sheegay shaqaalihiisa Waaxda uu Masuulka ka ahaa.
Agaasime C/laahi Saneey ayaa sheegay in wax laga qaban waayey baahiyaha shaqaalaha waaxda Dab damiska isla markaana muddo sanado ah aysan helin wax tixgelin ah oo ku saabsan howsha adag oo ay hayaan.
Sidoo kale Agaasimihii Waaxda Dab Damiska, iyo Soolarada Gobolka Banaadir C/laahi Maxamed Cabdulle (Saneey) ayaa sheegay shaqaalihiisa dhowaan in aysan qaadan wax Mushaar ah, Waxa uuna sheegay in ay qabtaan shaqooyin adag oo qaarkood uu sheegay in halis ay naftooda u geliyaan.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0